WELCOME TO SWEDEN!
Tababarka Xirfadaha Iswiidhis

Khibrad ma u leedahay xirfad gaar ah? Waxaa dhici karta in aanad shaqaynba dhammaan, ama aad ka shaqaysay wax yar Iswiidhan. Koorasadayada Tababarka xirfada Iswiidhish waxaad baran doontaa Af Iswiidhiska aad u baahantahay in aad ku shaqayso xirfadaada aad dooratay, ama in ay kuu ogolaato in aad sii wadato daraasad dheeraad ah gudaha Iswiidhan. Qaybaha kooraska waxaa lagu fulin karaan goob shaqo oo lagu beddelo casharada qoraalka ah ee goobta Eductus.

SFI/Af Iswiidhishka Muhaajiriinta

Baro Af Iswiidhishka! Waxaanu bixinaa koorsooyin kala duwan oo luqadda Iswiidhishka ah. Haddii aad ku cusubtahay Iswiidhan, waxaanu bixinaa Af Iswiidhiska muhaajiriinta (SFI). Sidoo kale waxaanu bixinaa Af Iswiidhishka sidii luqad Labbaad (SAS) labbadaba mid bilow ah iyo mid heer dhexe ah.

Tabarka, bilowga ganacsi ama helida shaqo
Ma u baahantahay in aad ku darto xirfadahaaga wax si aad u hesho shaqo aad rabto ama aad u hesho koorso? Sidoo kale waxaanu bixinaa adeegyo kala duwan oo kaa caawin kara in aad gasho suuqa shaqadda ee Iswiidhan. Xagayaga waxaad wadan kartaa koorso, heli doontaa taagerada raadinta shaqada ama bilaabi doontaa shirkadaada. Nala soo xidhiidh anaga oo waxaanu kuu sheegi doonaa wax badan oo ku saabsan goobta kuu dhow.
Noqo mid guul gaadha gudaha Iswiidhan!
xafiisyada Eductus

Eductus (headquarters)

Box 2546

403 17 Gothenburg

+46 31 704 80 00

Koorsooyinka Af Iswiidhiska sidii Luqad Labbaad (SAS)

Ma rabtaa in aad horumariso Af Iswiidhiskaaga? Markaa waxaanu kuu haynaa koorsooyinka. Af Iswiidhiska sidii Luqad Labbaad waxa uu siiyaa dadka aan u lahayn Af Iswiidhiska sidii luqad ay u dhasheen fursad ay ugu kobcinaay xirafaddahooda ku xidhiidhka Af Iswiidhishka.

Kalsoonida luqaddeed ayaa horumarta si loo helo xirfad cusub, waxbarasho dheeraad ah iyo ka qayb qaadasho firfircoon bulshadda iyo nolosha shaqada. Sidoo kale luqadda weeye tan aanu ku caddayno shakhsiyadayada oo aanu ku dhexgalno xaaladaha kale ee kala duwan.

Ku saabsan Af Iswiidhishka sidii Luqad Labbad

Duruusta Af Iswiidhishkayaga sidii kooraska Luqad Labbaad waxay horumarisaa Af Iswiidhishkaaga iyo xirfadaha bulshadda. Waxaad heli doontaa fursadda aad ku horumariso dhinac kasta oo xirfaddaha wada xidhiidhka ah. Taas macnaheedu waxa weeye in aad fahmi doonto in aad naftaada ku xaqiijiso oo aad kuwa kale ku dhex gasho hadal iyo qoraal, siiba aad ku habboonaysiiso luqaddaada xaalado kala duwan, ujeedooyin iyo dhegaystayaal.

Waxaad haysan doontaa fursadda aad ku horumariso aqoontaada duraafaha nolosha, arrimaha bulshadda iyo muuqaalada dhaqaneed ee diyaar garaynaha halka Af Iswiidhishka laga isticmaalo.

Muxuu koorasku kuu hogaamiyaa?

Koorsadu waxay kaa caawinaysaa in aad xoogayso aqoonsigaaga luqad badnida ah oo aad kobciso kalsoonida luqaddahaaga xirfaddaha, marka ay ku siinayaan tixgelin la kordhiyay oo ah luqaddaha kuwa kale iyo hababka ay ku cabbiraan nafahooda. Koorasadan waxay horumarisaa kartidaada:

  • Fahanka Af Iswiidhishka qoran iyo ka lagu hadlo oo fasirtaa waxa ay ka koobantahay.
  • Ku cabbirtaa naftaada oo kula xidhiidhaa Af Iswiidhishka qoran iyo ka lagu hadlo.
  • Isticmaashaa farsamooyinka luqaddeed oo caawisaa macnayaal guud oo kala duwan.
  • Ku habboonaysiisa luqaddaada ujeedoouon kala duwan, dhegaystayaal iyo xaalado.
  • Falanqaysaa oo muujisaa duruufaha nolosha, arrimaha bulshadda iyo muuqaalada dhaqaneed macnayaal guud oo kale duwan iyo goobaha luqadda Iswiidhiska laga isticmaalo.

Yaa loogu talo galay koorsada?

Koorsadu waxay ku habboontahay dadka doonaya in ay ogaadaan in badan oo ku saabsan dhaqanka iyo luqadda, oo haysta fursada ay in dheeraada ku sii kobciyaan kartiyaha luqada badnida, maxaayeelay aqoonta luqaddo kala duwan waxay caawisaa in ay balaadhiso xirfadahaaga gebi ahaanba.

Aqoontee hore ayaan u baahanahay?

Waxba.

Sababteen u dooranayaa Eductus?

  • Koorsadu aday kugu koobanyahay, shuruudahaaga, kartiyahaaga iyo baahiyahaaga.
  • Waxaanu ku siinaa habka ugu degdega badan ee aad ugu wanaagsanaato Luqadda Iswiidhiska.
  • Waanu oganahay waxa habboon!

Waxaanu ku bixinaa koorsooyinka soo socda Af Iswiidhish sidii Luqad Labbaad:

(Ogow: Hadda waxaa dib laguugu hagaajinayaa boggag Af Iswiidhish ah.)

Sida loo codsado

Waxaad ka codsataa adoo maraya adeega waxbarashada dadka waa wayn ee degmadda taas oo aad ku nooshahay.