WELCOME TO SWEDEN!
Tababarka Xirfadaha Iswiidhis

Khibrad ma u leedahay xirfad gaar ah? Waxaa dhici karta in aanad shaqaynba dhammaan, ama aad ka shaqaysay wax yar Iswiidhan. Koorasadayada Tababarka xirfada Iswiidhish waxaad baran doontaa Af Iswiidhiska aad u baahantahay in aad ku shaqayso xirfadaada aad dooratay, ama in ay kuu ogolaato in aad sii wadato daraasad dheeraad ah gudaha Iswiidhan. Qaybaha kooraska waxaa lagu fulin karaan goob shaqo oo lagu beddelo casharada qoraalka ah ee goobta Eductus.

SFI/Af Iswiidhishka Muhaajiriinta

Baro Af Iswiidhishka! Waxaanu bixinaa koorsooyin kala duwan oo luqadda Iswiidhishka ah. Haddii aad ku cusubtahay Iswiidhan, waxaanu bixinaa Af Iswiidhiska muhaajiriinta (SFI). Sidoo kale waxaanu bixinaa Af Iswiidhishka sidii luqad Labbaad (SAS) labbadaba mid bilow ah iyo mid heer dhexe ah.

Tabarka, bilowga ganacsi ama helida shaqo
Ma u baahantahay in aad ku darto xirfadahaaga wax si aad u hesho shaqo aad rabto ama aad u hesho koorso? Sidoo kale waxaanu bixinaa adeegyo kala duwan oo kaa caawin kara in aad gasho suuqa shaqadda ee Iswiidhan. Xagayaga waxaad wadan kartaa koorso, heli doontaa taagerada raadinta shaqada ama bilaabi doontaa shirkadaada. Nala soo xidhiidh anaga oo waxaanu kuu sheegi doonaa wax badan oo ku saabsan goobta kuu dhow.
Noqo mid guul gaadha gudaha Iswiidhan!
xafiisyada Eductus

Eductus (headquarters)

Box 2546

403 17 Gothenburg

+46 31 704 80 00

Shaqooyinka

Ma raadinaysa shaqo cusub? Dhib ma leh haddii aanad hadda shaqayn ama aad shaqayso laakiin aad doonayso in aad u guurto tu kale, waanu ku caawin karnaa.

Waxaanu u haynaa koorsooyin tababar shaqo oo gaagaaban oo waxtar leh dadka raadinaya shaqo oo ka diiwaan gashan Arbetsförmedlingen (Adeega Shaqadda ee Dad waynaha). Maamulayaashada iyo abukaatayaashada waxay leeyihiin khibrado aad u badan iyo shabakad balaadhan oo xidhiidhada ganacsiga ah.

Waxaanu kaa caawin kartaan in aad hesho shaqooyinka aad ku habboontahay iyo sida loo codsado. Waxaad baran doontaa sida loo horumariyo khibradaada shaqo (CV) iyo sida loogu dedaalo waraysiga shaqadda.

Si wada jir aha waxaanu ula iman doonaa qorshe kaa caawinaya in aad gaadho ujeedooyinkaaga!

Ka hel in dheeraada halkan oo ku saabsan adeega Taageerada iyo ku Habboonaysiinta.