WELCOME TO SWEDEN!
Tababarka Xirfadaha Iswiidhis

Khibrad ma u leedahay xirfad gaar ah? Waxaa dhici karta in aanad shaqaynba dhammaan, ama aad ka shaqaysay wax yar Iswiidhan. Koorasadayada Tababarka xirfada Iswiidhish waxaad baran doontaa Af Iswiidhiska aad u baahantahay in aad ku shaqayso xirfadaada aad dooratay, ama in ay kuu ogolaato in aad sii wadato daraasad dheeraad ah gudaha Iswiidhan. Qaybaha kooraska waxaa lagu fulin karaan goob shaqo oo lagu beddelo casharada qoraalka ah ee goobta Eductus.

SFI/Af Iswiidhishka Muhaajiriinta

Baro Af Iswiidhishka! Waxaanu bixinaa koorsooyin kala duwan oo luqadda Iswiidhishka ah. Haddii aad ku cusubtahay Iswiidhan, waxaanu bixinaa Af Iswiidhiska muhaajiriinta (SFI). Sidoo kale waxaanu bixinaa Af Iswiidhishka sidii luqad Labbaad (SAS) labbadaba mid bilow ah iyo mid heer dhexe ah.

Tabarka, bilowga ganacsi ama helida shaqo
Ma u baahantahay in aad ku darto xirfadahaaga wax si aad u hesho shaqo aad rabto ama aad u hesho koorso? Sidoo kale waxaanu bixinaa adeegyo kala duwan oo kaa caawin kara in aad gasho suuqa shaqadda ee Iswiidhan. Xagayaga waxaad wadan kartaa koorso, heli doontaa taagerada raadinta shaqada ama bilaabi doontaa shirkadaada. Nala soo xidhiidh anaga oo waxaanu kuu sheegi doonaa wax badan oo ku saabsan goobta kuu dhow.
Noqo mid guul gaadha gudaha Iswiidhan!
xafiisyada Eductus

Eductus (headquarters)

Box 2546

403 17 Gothenburg

+46 31 704 80 00

Bilowga koorso Ganacsi

Ma xiisaysaa ganacsiga? Laga yaabaa in aad hadda ka horba hayso fikrad ganacsi oo aad jeclaan lahayd in aad horumariso. Ka fekerka wax ku saabsan bilaabida ganacsigaaga? Markaa Bilowga koorso Ganacsi ayaa adiga kugu habboonaan lahaa. Waxaanu ku siin karnaa xirfadda iyo taageerada aad u baahantahay si aad u tijaabiso fikrada ganacsi oo aad u abuurto qorshe ganacsi oo mustaqbalka ah. Kaalay oo anaga nala qaad tallaabada u horaysa!

Wax ku saabsan Bilowga koorso Ganacsi

Inta kooraska lagu jiro waxaa lagu siin doonaa taageerada iyo hagidda horumarinta fikrada ganacsigaaga iyo qorshaynta qaorshahaaga ganacsi. Sidoo kale waxaa lagu bari doonaa xirfado dhigaal ah iyo kuwo farsamo ah oo aad u baahantahay si aad u bilowdo ganacsigaaga. Markaad dhammayso kooraska waxa aad u baahantahay in aad go’aansato haddii aad sii wadanayso qorshahaaga ganacsi oo aad qaadayso tallaabada u horaysa xaga bilaabida shirkadaada. Koorasku waa mid wakhti buuxa leh oo waxa uu ku dhammaadaa 4-16 wiig. Si wada jir aha ayaanu u qorshaynaa qorshaha tababarka ee waafaqsan baahiyaha shakhsiyeed iyo aqoontii hore.

Muxuu koorasku kuu hogaamiyaa?

Koorasku waxa uu ku siin doonaa adiga sawir ka cad waxa ay tahay macnaha bilaabida iyo waddida ganacsi. Markaad dhammaystirto koorsada waxaad u baahantahay in aad go’aansato haddii aad sii wadayso qorshahaaga ganacsi.

Yaa loogu talo galay koorsada?

Shaqa doonka ka diiwaan gashan Arbetsförmedlingen (Adeega Shaqadda ee Dad waynaha). Kooraska waxaa loola jeedaa dadka xiisaha u haya bilaabida shirkad cusub.

Aqoontee hore ayaan u baahanahay?

Waxba.

Sababteen u dooranayaa Eductus?

  • Koorsadu aday kugu koobanyahay, shuruudahaaga, kartiyahaaga iyo baahiyahaaga.
  • Hogaamiyayaashayada koorasku waxay leeyihiin sanado badan oo khibrad ah oo ah bilaabida iyo waddida ganacsiyada.
  • Kooraskayagu waxa uu helaa natiijo!

Cutubyada waxaa ku jira:

Laga bilaabo fikrad ilaa ganacsi
Waxaanu kaga hadalnaa arrimaha sida: Keenida fikrad ganacsi iyo abuurista qorshe ganacsi, “Noqoshada ganacsade”, ganacsiga iyo noocyo kala duwan oo bilaabida shirkad ah, iwm. Suuq gaynta ganqacsiyada yar yar Waxaanu kaga hadalnaa arrimaha sida: Summadda, xayaysiinta, iibka cilmi baadhida suuqa, baadhitaanka suuqa iyo macmiilka, baadhitaanada tartamaha iyo daryeelka macmiilka.

Dhaqaalaha ganacsiga
Waxaanu kaga hadalnaa arrimaha sida: Heshiisyada, qiima goynta, maaliyada iyo shuruudaha ganacsiga bilowga ah iyo noocyada maal gelinta.

Maamulka ganacsi
Waxaanu kaga hadalnaa arrimaha sida: Cashuurta, xisaabaadka Cashuurta Qiimaha la Dulsaaro, lacag qabashada, diiwaangelinta ganacsiga iyo caymiska.

Kale
Sidoo kale waxaad baran doontaa ganacsiga internatka tooska ah, la wareegida hawl galo jiray, sinaanta lab iyo dhedig iyo kala duwanaanshaha, deegaanka shaqada iyo arrimaha deegaanka, siiba iskaa u shaqaysiga.

Sida loo codsado

Lahadal shaqaalaha kiiskaaga xaga Arbetsförmedlingen.