WELCOME TO SWEDEN!
Tababarka Xirfadaha Iswiidhis

Khibrad ma u leedahay xirfad gaar ah? Waxaa dhici karta in aanad shaqaynba dhammaan, ama aad ka shaqaysay wax yar Iswiidhan. Koorasadayada Tababarka xirfada Iswiidhish waxaad baran doontaa Af Iswiidhiska aad u baahantahay in aad ku shaqayso xirfadaada aad dooratay, ama in ay kuu ogolaato in aad sii wadato daraasad dheeraad ah gudaha Iswiidhan. Qaybaha kooraska waxaa lagu fulin karaan goob shaqo oo lagu beddelo casharada qoraalka ah ee goobta Eductus.

SFI/Af Iswiidhishka Muhaajiriinta

Baro Af Iswiidhishka! Waxaanu bixinaa koorsooyin kala duwan oo luqadda Iswiidhishka ah. Haddii aad ku cusubtahay Iswiidhan, waxaanu bixinaa Af Iswiidhiska muhaajiriinta (SFI). Sidoo kale waxaanu bixinaa Af Iswiidhishka sidii luqad Labbaad (SAS) labbadaba mid bilow ah iyo mid heer dhexe ah.

Tabarka, bilowga ganacsi ama helida shaqo
Ma u baahantahay in aad ku darto xirfadahaaga wax si aad u hesho shaqo aad rabto ama aad u hesho koorso? Sidoo kale waxaanu bixinaa adeegyo kala duwan oo kaa caawin kara in aad gasho suuqa shaqadda ee Iswiidhan. Xagayaga waxaad wadan kartaa koorso, heli doontaa taagerada raadinta shaqada ama bilaabi doontaa shirkadaada. Nala soo xidhiidh anaga oo waxaanu kuu sheegi doonaa wax badan oo ku saabsan goobta kuu dhow.
Noqo mid guul gaadha gudaha Iswiidhan!
xafiisyada Eductus

Eductus (headquarters)

Box 2546

403 17 Gothenburg

+46 31 704 80 00

Ku cusub Iswiidhan

Dadka ku cusub Iswiidhan, ku cusub shaqadda.

Soo dhowaada! Waxaanu leenahay abukaatayaal iyo hagayaasha hordhaca oo ka kala yimid dhammaan dunidda. In badan oo ka mid ah xubanahayaga shaqaalahu waxay soo mareen dhab ahaan meesha aad hadda marayso maanta: ku cusub Iswiidhan. Xagayada waxaad la kulmi doontaa dad ballan leh oo kaa caawin doonaa in aad jidkaaga ka hesho bulshadda Iswiidhan iyo nolosha shaqada. Ujeedadayadu waa in aad adigu dareento ammaan gudaha Iswiidhan. Oo aad adigu u hesho shaqo si degdega, ama koorso kugu habboon. Ama aad caawimo ka hesho bilaabida ganacsigaaga.

Boggan waxaa loo turjumay luqaddo kala duwan si adiga uu kuu siiyo qiimayn kooban oo ah waxaanu kugu caawin karno. Dhammaan xogta inta hadhay boggayaga internerka waxay ku qorantahay Af Iswiidhish.

Jihada ujeedooyin cusub

Eductus waxaa la dhisay 1991 oo haddana waa mid ka mid shirkaddaha waxbarashada dadka waa wayn ee ugu wayn Iswiidhan. Waxaanu leenahay 800 oo shaqaale oo ka shaqeeya 70 goobood Iswiidhan oo dhan. Waxaanu bixinaa tababar, waxbarashada degmadda ee dadka waa wayn (Komvux), Af Iswiidhishka muhaajiriinta (SFI), tababarka xirfadaha iyo shaqaalaynta. Ruuxda dhaqanka shirkadayadu waxa uu ku salaysanyahay caqiido adag oo ah sinaanta qiimaha dadka oo waxaanu qayb ka qaadan doontaa Iswiidhan sidii hore ka fiican.